Labo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay  Donald Yamamota (Sawirro)

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa Maanta magaalada Muqdisho kula kulmay laba kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.

Kulanka dhax maray Amb Domald Yamamota iyo musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug gaar ahaan doorashada la filayo in ay ka dhacdo Dhuusomareeb.

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay in kulanka dhax maray safiirka iyo labada musharax looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa in Galmudug ka dhacdo doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.

“Hay’ado dowladeed oo adag oo adkeysi badan waxaa ay wax ka qaban karaan dhibaatooyinka bani’aadanimo,kana adkaan karaan Argagaxisada & abuuritaanka nabad, xasilooni & barwaaqo ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaarada kasoo baxay.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ay ka cabanayeen faragalin ay sheegeen in dowlada federaalka ku heyso doorashada Galmudug iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in la geeyay Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -