Danielle Stella oo talaabo laga qaaday ka dib markii ay Ilhaan Cumar..

Haweeney lagu magacaabo Danielle Stella oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Donald Trump ayaa laga xiray barteeda Twitter ka dib markii ay u ku qortay ereyo ay ugu hanjaneyso Ilhan Cumar oo ka tirsan aqalka Congresska Maraykanka.

Shirkadda Twiter-ka ayaa ku eedeysay Stela in ay ku xadgudubtay shuruucda u degsan.

The Washington post ayaa sidoo kale kusoo warramay in Facebook ay tirtirtay isla qoraalkaas ay Stela ku sheegtay in Ilhaan Cumar la daldalo.

Danielle Stella oo doorashada soo socota dooneysa in kursiga aqalka Kongreska ee Minnesota kula tartanto Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twiter-ka kusoo qortay in Ilhaan Cumar la daldalo iyadoo sabab uga dhigtay eedeymo ay u jeedisay.

Xanibaada lagu sameeyay akoonka haweeneydan u hanjabtay Ilhaan ayaa la sheegay in Stella oo ciwaankeeda ololaha doorashada uu ahaa @2020MNCongress ay eedeyn u jeedisay Ilhaan, waxaana twiter-ka ay ku qortay: ” Haddii la xaqiijiyo in Ilhaan ay macluumaad ah xasaasi ah u gudbisay dalalka Iran iyo Qatar, waa in la maxkamadeeyaa, laguna soo ogaa khiyaan qaran oo la daldalaa” sida uu daabacay Wargeyska The Washington post ee dalka Mareykanka.

Waxaa kale oo ay Stela sheegtay in Ihaan ay dalal shisheeye u gudbisay maclumaad sir ah oo ku saabsan dalka Mareykanka, waxaana ay intaa ku dartay oo baraha bulshada ay soo dhigtay sawir muujinaya Ilhaan Cumar oo la daldalayo.

Waxaa maalmaihii lasoo dhaafay Ilhaan Cumar loo jeedinayay eedeymo ah in dalalka Qatar iyo Iran ay u gudbisay xog sir ah oo ku saabsan Mareykanka, inkastoo aan lasoo bandhigin wax cadeymo ah oo arrintaas la xiriira, Ilhaan ay beenisay eedeymahaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -