Guddoomiyeyaal cusub oo loo magacaabay qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Guddoomiyeyaal Cusub u magacaabay 3 ka mid ah sadexdii degmo ee gudoomiyeyaashoodu ku dhinteen qaraxii ka dhacay xarunta dowlada hoose dhowr bilood oo sidoo kale uu ku naf waayey gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Shingaani ayaa loo magacaabay Aweys Camuudi sida ku xusan Wareegto kasoo kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish

Aweys Camuudi ayaa bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmada Shangaani Sahra Markeesi oo ku geeriyootay Qaraxii bilo ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Cabdicasiis Cismaan Jaamac ayaa loo Magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Waaberi, kaasoo bedelaya  Guddoomiyihii hore ee Degmadaas Allaha u naxariistee Mahad Cilmi oo ku geeriyooday Qaraxii 24-kii July ee 2019  ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Axmed Maxamud Diiriye ayaa isna loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Waxaa weli banaan xilka gudoomiyeyaha degmada C/casiis oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xarunta dowlada hoose ee Xamar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -