Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen iyo Wasiir C/qaadir oo labo ujeedo u tagay degmada Diinsoor (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Bay

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah wafdigan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Laftagareen ayaa soo xiray Shirka Dib-U-Heshiisinta Beelaha Walaalaha ah ee Dega Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed nuur Maxamed, Wasiirka Qorshaynta Koonfur Galbeed Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Xiritaanka Shirka Madaxweynaha ku Wehlinayey.

Laftagareen ayaa dhinaca kale bulshada Diinsoor dagta u sheegay inay u diyaar garoobaan ka qayb qaadashada howlgalka dalka looga xoraynayo al-shabaab gaar ahaan degaanada Koonfur Galbeed.

Related posts

Booliiska Soomaaliya oo War kasoo saaray Dagaalkii saakay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Israel oo saldhig milateri ka dooneysa Somaliland & UAE oo..

Caydiid Ali

Qatar oo shaacisay inay heshiis cusub dhex dhigtay Israa’iil iyo Xamaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---