Maxaabiis Soomaali ah oo laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Maxaabiis tiradooda gaareysay todobo Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa Jaziirada Seychelles ee badweynta India ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka, iyadoo dayuurad gaar ah lagu keenay garoonka Aadan cadde.

Waxaa  Garoonka dayuuradaha  ku soo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta  Soomaliyeed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Lix ka mid ah Maxaabiistan oo horey loo xukumay ayaa xabsiga ku dhameysan doona  dalka halka qofka todobaad la sii daayay maadaama uu soo dhameystay mudada xabsiga lagu xukumay.

Taliyaha Ciidanka  Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa tallaabo Wanaagsan ku tilmaamay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Caalamka.

Xeeri laaiyaha Guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Dahiir oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in qeyb kale oo Maxaabiis ah Khamiista la keeni doono dalka si ay dalkooda ay ugu dhameystaan mudada uga dhiman xabsiga lagu xukumay.

Dhowaan ayey aheyd markii wasiirka arrimaha dibeda Somalia uu booqday Jaziirada Seychelles isagoo masuuliyiinta jasiiradaas kula soo heshiiyey in Soomaalida dalkaas ku xiran dalkooda lagu soo celiyo xabsiga u dhimana ku dhameystaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -