Abiy Ahmed oo lagu eedeeyey inuu DF gacan ku siiyo caburinta Maamul goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo dhowaan ku guuleystay Abaal marinta Nabadda ayaa lagu eedeynayaa inuu faragelin ku haayo arrimaha gudaha Somalia.

Warbixino Qaramada Midoobey ka soo baxay ayaa ku eedeeyay inuu sii hurinayo xasillooni darada ka jirta Soomaaliya sida uu qoray wargeyska daily nation ee ka soo baxa Kenya.

Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya Meles Alem ayaa u sheegay wargeyska Nation in eedeymahaas ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin oo la been abuuray.

“Tiirarka arrimaha dibedda ee Itoobiya waxaa ka mid ah inaan la fara-gelinin arrimaha gudaha dalal kale. taasina waa diiwaankeena” ayuu yiri Meles Alem.

Madasha Xisbiyada ee ay ku mideysan yihiin Xisbiyo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaal hore iyo Siyaasiyiin ayaa Itoobiya ku eedeeyey faragelin ay ku heyso Soomaaliya, ayna dowlada federaalka ku taageerto caburinta maamul goboleedyada khilaafku kala dhexeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -