Weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada London (Daawo Sawirada)

Nin toorey watay ayaa weerar ku qaaday dad marayay buundada magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, waxaana markii dambe booliiska toogteen ninkii weerarka ka dambeeyay.

Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa ku waramay in ninkan tooreyda watay uu la dhacay dhoor qof oo buundada marayay, waxa uu sidoo kale ninkan xirnaa suun macmal ah uu ka dhigayay waxyaabaha qarxa.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay weerarkan ka dhacay magaalada London, waxaa sidoo kale isbitaal la dhigay shan qof oo kale oo la sheegay in waxyeelo kasoo gaartay toorey lala dhacay.

Ciidamo booliis ah oo gaaray goobta weerarka tooreyda loo adeegsaday ka dhacay ayaa toogtay ninka weerarka geestay, waxaana goobta laga qaaday dhowr qof oo ku dhaawacmay weerarka .

Weerarka ka dhacay buundada magaalada London ayaa sababay in la xiro Xarunta tareennada ee ku taalla agagaarka buundada London, waxaa sidoo kale dadka ku dhaqan London loogu baaqay in ay isdejiyaan.

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa la dagaalanka argagaxisada ayaa wada baaritaano ku aadan weerarkan ka dhacay magaalada London, lamana shaacin wali ujeedka weerarka iyo waliba ninka fuliyay.

- Advertisement -