Sacuudiga oo sanadkan Muslimiinta dal Afrikaan ah u diidaya Xajka & Sababta ka dambeysa

Sacuudiga ayaa ka fiirsanaya in illaa 90 kun oo muslimiin ah oo ka tagaya sanadkan dalka Nigeria uu ka hor istaago gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan oo ku beegan bisha Agoosto.

Arrintan ayaa la xiriirta cabsi laga qabo inay faafiyaan xanuun cusub oo lagu magacaabo Xummadda Lassa oo laga heley dalka Nigeria.

Illaa biloowgii sanadkan, xanuunkan ayaa waxa uu dilay illaa 90 qof, waxaana laga heley illaa kun qof oo uu soo ritay.

Astaamaha xanuunkan ayaa waxaa ka mid ah qandho daran, daal, labbo-labbo, mantag, fuuqbax gadaal ah, madax xanuun, xanuun uurka ah, cunaha oo qaraar noqda iyo waliba wajiga oo qofka barara.

Caabuqan ayaa waxaa faafiyay fiidmeer cuntay dooli cudurka qaba. Waxaa kale oo laga qaadi karaa haddii dooligaas uu cuntada taabto. Sidoo kale haddii qofka candhuuftiisa ku soo gaarto.

Afhayeen u hadlay guddiga sare ee Xajka Nigera Muusa Ubandawaki ayaa sheegay inay kulamo la qaadanayaan dhammaan mas’uuliyiinta 36-da gobol ee ay Nigeria ka koobantahay si looga wada hadlo arrimaha cusub ee soo fool leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -