Qaramada Midoobay oo si adag uga hadashay gabar 11-sano jir ah oo Muqdisho lagu kufsaday

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa si kulul loogu cambaareeyay kufsi maalmo kahor  gabar yar oo 11 jir ah loogu geystay xaafaad katirsan magaalada Muqdisho .

Qoraal kasoo baxay madaxa xafiiska UNFPA, ee  Soomaaliya, Anders Thomsen ayaa lagu cambaareeyay kufsigan gabadha yar loogu geestay horaantii isbuucan Degmada Wardhiigley.

“Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Dadweynaha (UNFPA), xafiiskiisa Soomaaliya wuxuu cambaraynayaa ficilkii foosha xumaa ee loo gaystay gabadh 11 sano jir ah, oo lagu kufsaday Talaadadii toddobaadkan iyadoo markaas gurigeeda ku soo laabaneyso oo ku yaal Degmada Wardhiigleey” ayaa lagu yiri qoraalka Anders Thomsen.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay lagu sheegay in aad uga naxeen falalka kufsiga ee wali ka socda Soomaaliya, waxaana qoraalka lagu sheegay in ay garab istaagayaan qoyska gabadha dhibanaha ah.

”Waa naxdin iyo argagax weyn in ay sii socoto inaan aragno falalka noocan oo kale ah oo si isdaba joog ah u dhacaya. Waxaan garab taaganahay qoyska gabadha, waxaana ku baaqaynaa in caddaalad la horkeeno dhacdadan kaliya maahee, laakiin kiisas badan oo tacadiyaadka galmada la halmaala kuwaas oo sii socodkoodu khatar galinayo wanaagga, iyo badbaadada gabdhaha iyo haweenka Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaana ka hadlin falkan kufsiga ee la sheegay in uu ka dhacay Muqdisho, mana ahan Muqdisho wax ku cusub kufsiga loo geesto haweenka gaar ahaan gabdahaha qaan gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -