Sadex nin oo mudo 38-sano ah u xirnaa dambi aysan galin oo xuriyadooda dib u helay (Sawirro)

Sadex nin oo kasoo jeeda Madowga dalka Mareykanka ayaa 38-sano si cadaalad daro ah iyo dambi aysan galin ugu xirnaa xabsi, waxaana sadexdan nin mudo dheer kadib dib u heleen xuriyadooda.

Maxkamad ku taala gobolka Baltimore ayaa amartay in lasii daayo saddex nin ee mudada 38-sano xabsiga ku jiray , waxa ayna maxkamada meesha ka saartay dambigii dilka ahaa ee loo heestay ragan.

Saddex Nin oo lagu kala magacaabo Alfred Chestnut, Andrew Stewart iyo Ransom Watkins ayaa lagu xukumay xabsi daa’in Sanadkii 1984tii ka dib markii lagu eedeeyay inay dileen wiil yar oo 14 jir oo lagu magacaabi jiray DeWitt Duckett.

Garsooraha maxkamadda dib u eegista ku sameesay kiiska sadexdan ee dilka loo heestay ayaa ku dhawaaqay in ragan aysan wax dambi ah gelin, waxa uuna garsoomaha cadeeyay in dambiga ragaasi loo heestay  uusan waxba ka jirin.

“Anigoo ku hadlaya magaca hannaanka cadaaladda, waxaan idin sheegayaa in go’aankan uusan idin qalmin maadaama aad xabsi dheer soo marten, waxaana idin ka raaligelinayaa wixii idin ku dhacay”.ayuu yiri garsooraha.

Xeer Ilaaliyaha gobolka Baltimore Marilyn Mosby oo hadlay kadib markii la sii daayay saddex nin ayaa sheegay in cadaalad darada u dhacday saddexdan dhalinyarada oo markaas da’doodu ahayd 16 Jir ay masuul ka ahaayeen Booliiska iyo waaxda cadaaladda oo si aan wanaagsanayn u dhaqmay, iyagoo ku khasbay inay qirtaan dambi ayan gelin.

Ragan dib u helay xuriyadooda 38-sano kadib ayaa dib ula midoobay qoysaskooda , waxaana ragan xabsiga laga sii daayay markii la xirayay ay ahaayeen kuwa da’ yar iyadoona intii ay xirnaayeen uu ka dambeeyay isbadalo oo qaarkood layaab ku noqday.

Andrew Stewart, from left, Alfred Chestnut, and Ransom Watkins speak Monday, Nov. 25, 2019, in Baltimore, Md. The three men had been incarcerated for 36 years in Maryland were exonerated Monday in the slaying of a Baltimore teenager after a review of their case. (Jerry Jackson/The Baltimore Sun via AP)

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -