Wasiir Sabriye oo gaaray Dhuusomareeb kana hadlay Doorashada Galmudug (Daawo Sawirada)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubnaha la socda ayaa saakay gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada, Wasiiro iyo xildhibanao katirsan Galmudug, waxgarad iyo saraakiil ciidan.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in Dhuusomareeb u tageen sidii loo dedejin lahaa dhameystirka dhismaha Galmudug loo dhan yahay, waxa uuna Wasiirka cadeeyay in si dhaqso ah loo dhisi doono maamulka Galmudug.

Wasiirka arimaha gudaha ayaana la ogeyn in uu kulamo la qaadan doono hogaanka Ahlu Sunna ee jooga magalaada Dhuusomareeb kuwaa oo kasoo horjeestay habraaca doorashada iyo sida dowlada wax u wado.

Safarka maanta magaalada Dhuusomareeb ku tagay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili lasoo saaray habraaca doorashada Galmudug oo ka dhaceysa magaalada dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -