Allbanaadir.com
NEWS

Booliis shacab badan dilay oo raaligelin layaab lh bixiyay

Ciidanka booliiska dalka Bangaladesh ayaa maalmihii lasoo dhaafay toogasho ku dilay kuwa kalana ku djaawacay dad badan oomshacab ah, kuwaa oo dhigayay bannaanbaxyo ka dhan ahaa Ra’iul Wasaarihii dalkaasi oo dhawaan is casishay.

Ururka adeegga booliiska e dalka Bangalkadesh ayaa sheegay in askartooda lagu qasbay in ay rasaas ku furaan ayna dilaan dsad shacab ah, waxa ayna sheegeen in booliiska uusan rabin in shacabka la dhibaateeyo balse madaxda daklka ay ku qasbeen.

“Qaranka ayaa sameeya sharciyo, waa aannu fulinaa oo kaliya. Waa inaan adeecno amarada ka imaanaya saraakiisha sarsare iyo siyaasiyiinta hadday sharci yihiin iyo hadday sharci-darro yihiinba ,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay midawga BPSA, oo matala kumannaan boolis ah oo ku baahsan Bangladesh.

Warka kasoo baxay booliiska yaaa layu sheegay in Isniintii lasoo dhaafay la weeraray in  ka badan 450-saldhig ay leeyihin booliiska Bangaladesh kaddib markii ay is casishay Ra’isul Wasaatihii dalkaasi, waxaa sidoo kale askar bada la dilay intii ay socdeen dobadbaxyada.

Booliiska dalka Bangaladesh ayaa warka ay soo saareen ku raaligaliyay ardayda iyo dadkii kale ay dhibaatada gaarsiiyeen intii dibadbaxyada socdeen, waxa ayna hadda sheegeen in shaqojoojin ku jiraan inta ammaankooda la xaqiijinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada TPLF oo hanjabaad culus soo dirtay Shuruudna ku xirtay Xabad joojin

Cabdi Cade

Xamaas oo Gantaalo culus ku garaacday Isreal iyo argagax xooggan oo ka dhashay

Cabdi Cade

Dowlada Sudan oo ka codsatay dhigeeda Ethiopia Koronto Iib ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---