Milatariga Kenya oo la wareegay amaanka Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo …

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhawaan loo diiday in uu gudaha u galo degmooyin katirsan gobolka Gedo , waxa ayna taasi keentay in uu galo gudaha Kenya gaar ahana magaalada Mandheera.

Maamulada Degmooyinka Doolow,Luuq iyo Balad Xaawo ayaa sheegay in ay ka baxeen maamulka Jubbaland oo horey u hoos tagayeen, waxa ayna maamuladan sheegeen in ay hoos tagaan wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada iyo gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Gedo ayaana Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland oo gobolkaasi kasoo jeeda u diiday in uu gudaha usoo galo lana kulmaan.

Wargeyska Daily Naiton ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in amaanka Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo maalmahan ku sugan magaalada Mandheera la wareegeen ciidamo katirsan milatariga Kenya.

Waxa uu qoray Wargeyska in Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland markii uu ku guul dareestay in uu galo degmooyinka gobolka Gedo uu degay Hotel kuyaala Mandheera halkaas ay ku ilaalinayaan ciidamo katirsan milatariga Kenya.

Wargeyska ayaa sheegay in saraakiil katirsan milatariga Kenya kasoo xigteen in Maxamuud Sayid Aadan degmada Balad Xaawo iyo degmooyin kale in uu tago ay u diideen ciidamada Itoobiya.

Ciidamo badan oo horey uga amar qaadanayay maamulka Jubbaland ayaa dhawaan kju biiray ciidanka milatariga ee jooga qeybo kamid ah gobolka Gedo, maamulada degmooyinka gobolka Gedo ayaa sidoo kale kasoo horjeestay maamulka Jubbaland.

Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegay in gobolka Gedo ka bilowday diiwaan galinta ciidamadii kasoo goostay mamaulka Jubbaland kuwaa oo si rasmi ah ugu biiraya milatariga Soomaaliya.

- Advertisement -