Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka, ayaa 11 kii bishan oo ku beegneed Axadii lasoo dhaafay duqeymo culus ka fuliyay togga Miraale ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan goobo ay gabaad ka dhiganayeen xubno katirsanaa Daacish.
War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayay ku sheegeen in duqeeyeem fariisimo kooxda Daacish ku laheyd qeybo kamid ah buuraha Calmiskaad, mana shaacin Mareykanka khasaaaraha ka dhashay duqeyntan.
Taliska AFRICOM waxay ku sheegeen in duqeyntaasi laga fuliyay meel qiyaastii 60km dhinaca Koonfurta ka xigta degmada Qandala ee gobolka Bari, halka taliska ciidamada difaaca Puntland uu sheegay in duqeyntaasi ka dhacday Shilin-cas oo ka tirsan togga Miraale ee buuraha Calmisaad.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa Puntaland ka taageera dagaalka ay kula jiraan Daacish, waxa ayna duqeymo culus dowldahan la beegsadaan goobaha ay ju jiraan kooxda Daacish.
Maamulka Puntland, ayaa horey u sheegtay in duqeynta Mareykanka fuliyay oo ka dhacday deegaanka Shillin cas ee togga Miraale lagu dilay 10 xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish.