Somaliland iyo Puntland oo maanta is dhaafsaday Maxaabiis dagaal (Daawo Sawirada)

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa maanta is dhaafsaday maxaabiis dagaal ay ku kala qabsadeen dagaalkii cuslaa ee labada maamul sanadkii hore ku dhax maray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Somaliland, Wasiiro iyo saraakiil kale ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay sadex maxbuus ay sii deysay Puntland, waxa ay sidoo kale soo sagootiyeen Maxaabiistii Puntland laga hayay.

Taliyaha Ciidanka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay inay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo in saddexdan askari  ay maanta deegaanadooda yimaadaan iyagoo nabad-qaba, waxa uuna taliyuhu la wareegay masuuliyadda saddexdaa askari,

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale dhankooda garoonka diyaaradaha Garawe kusoo dhaweeyay 14-maxbuus oo looga qabtay dagaalkii Tukaraq waxaana maxaabiistaasi dhawaan Cafis u fidiyay Muuse Biixi Cabdi.

Hay’adda ICRC ayaa gacan ka geesatay is dhaafsiga maxaabiista ay labada maamul dagaalka ku kala qabsadeen, ICRC ayaa diyaarado ku kala geysay Garawe iyo Hargeysa Maxaabiista ay is dhaafsadeen Somaliland iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -