Allbanaadir.com
NEWS

Waddo laami ah oo horey looga dhisay Muqdisho oo mar kale la dhisayo (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan labo kamid ah kuxigeennadiisa ayaa maanta dhagax-dhigay waddada laamiga ee Via Moscow oo isku xerta buundooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi .

Duqa Magaalada Muqdisho  oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhiga ayaa kula dar-daarmay shacabka degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan bilicda, nadaafada iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horeyso wadooyinka dib loo dhisaayo.

Waddadan maanta mar kale la dhagax dhigay ayaa sannado kahor la dhisay lana saaray laami cusub, hasa ahaatee waxaa gabi ahaan bur buray laamigii waddaasi la saaray, mana jiro ilaa hadda cid la xisaabtantay shirkadii horey u dhistay.

Laamiyo badan oo kuyaalla Muqdisho oo horey loo dhisay ayaa mar kale burburay, waxaana inta badan sabab looga dhigaa in shirkado musuq ahaan loo siiyo qandaraaska dhismaha, kuwaa oo iyana si aan tayo laheyn u dhisa waddooyinkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo si xun u bahdilay Agaasime katirsan Xafiiskiisa xili uu Wareysi bixinayay

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay guusha kiiska Badda, eedeymo culusna u jeediyey Kenya

Caydiid Ali

Roobab Khasaare kala duwan geystay oo ka socda Muqdisho & gobolada dalka qaarkood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---