Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo baaq muhiim ah u dirtay beesha Caalamka xilli ay…

Maamul goboleedka Puntland oo horey xiriira ugu jartay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa beesha caalamka iyo dowladaha taageera Soomaaliya waxa ay ka codsadeen in laga qeyb geliyo barnaamijyada xasilinta Soomaaliya, ee ay maalgeliyaan hay’adaha daneeya nabadda iyo xasilloonida Soomaalita.

War qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, ayey beesha caalamka uga codsadeen in maamulkooda laga qeyb geliyo barnaamijyada xasilinta Soomaaliya oo ay hadda ka maqan tahay, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in baahi iyo xaalado adag ka jiraan deegaannada buuraha Calmiskaad oo lagula dagaallamayo Daacish.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay ugu baaqaysaa Beesha caalamka, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee daneeya arrimaha nabadda iyo xasilinta Soomaaliya in dawladda Puntland laga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta ee ay hadda ka maqantahay, maadaama ay baahi-weyn ka jirto deegaanada Cal-miskaad ee argagixisada laga horeeyey iyo kuwa qorshaysan ee Calmadow” ayay dalbatay Puntland.

Puntland , ayaan jirin wax taageero muuqda ay ka heshay beesha caalamka iyo dowladda Federaalka, xilli maamulka Siciid Deni dagaal kula jiraan kooxda Daacish, waxaana Puntland saameyn weyn ku yeeshay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Shiikh Shariif: “Xiligii la ciribtiri lahaa argagixisada ayaa la joogaa, waxaan ku baaqayaa..”

Caydiid Ali

Ku-simaha duqa Muqdisho oo booqday dhaawacyada qaraxii xarunta D/Hoose (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo booqashidii ugu horeysay ku tegay Addis ababa, lana kulmay.. (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---