DEG DEG: Somalia oo la siiyey dhul badeedkii ay sheeganeysay Kenya intiisa badan

Maxkamadda Caddaaladda adduunka ayaa go’aan ka gaartay murankii badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Waxay maxkamadda xukmisay in dhulkii lagu muransanaa badankiisa la siiyay Soomaaliya, halka Kenya ay qeyb ka mid ah dhulkaas loo xukumay.

ICJ ayaa ka hor timid doodda Kenya ay aheyd inuu jiro heshiis is-faham oo labada dal isku raacsan yihiin, waxayna taageertay doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaas ah.

Waxay sidoo kale diiday doodda Kenya ee ah in uu jiray heshiis ku saabsanaa nooca xuduudda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamaddu waxay caddaysay inaysan Somalia abid Kenya kula heshiin sheegashada Kenya ee ah in la raaco loolka woqooyi u dadban.

Maxkamadu Waxay diiday sheegashada Soomaaliya ee ahayd in Kenya ay ku xadgudubtay xeerarka caalamiga ah iyadoo howlgallo ka sameysay aagga lagu muransanaa “ICJ xadgudub uma arakto howlgallo la sameeyay ka hor go’aanka maxkamadda” ayay tiri Maxkamada.

Sidoo kale, Maxkamada ayaa sheegtay in Kenya ay ku xad gudubtay madaxbanaanida Soomaaliya xaqna aysan u lahayn in bada Soomaaliya ku xadgudubto ayna jabiso xukunka maxkamada ka soo baxay .

Kenya ayaa horeyba u caddeysay in aanay aqbali doonin go’aanka maxkamadda ICJ iyadoo ku eedeysay maxakamadda inaysan dhexdhexaad ka ahyn dacwada kala dhaxeysa Soomaaliya.

Maxkamadda ICJ sida ka muuqata sawirka hoose u calaameysay xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya. inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.

La soco faahfaahinta goor dhow

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -