Ninkii ka dambeeyay qarax maanta ka dhacay Muqdisho oo si layaab leh loo qabtay

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in maanta duhurkii gaari yaalay agagaarka Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho ku xiray waxyaabaha qarxa.

Gaariga qarxay oo yaalay hareeraha laamiga ayaa la sheegay in uu lahaa nin katirsan shaqaalaha dowlada Soomaaliya, ninka gaariga iska leh ayaana xiliga qaraxa lagu xirayay gaarigiisa banaanka ka joogay.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in la qabtay ninkii gaariga qaraxa ku xiray, waxa ayna sheegeen saraakiishan in qabashada ninka gaariga qaraxa ku xiray uu ka dambeeyay ninkii lahaa gaariga qaraxa lagu xiray.

Ninka gaariga iska lahaa ayaa la sheegay in uu arkay ninka gaarigiisa qaraxa ku xiray kadibna uu eryaday, gaariga ayaana markii dambe qarxay xili uu ninkan eryanayay ninkii qaraxa gaarigiisa ku xiray.

Sida xogaha lagu helayo ninka gaariga iska lahaa iyo dad kale oo shacab ah ayaa ku guuleestay in la qabto ninkii qaraxa ka dambeeyay, waxaana ninkan lagu wareejiyay ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa dambi baarista.

Sargaal katirsan booliiska ayaa sheegay in ninkan la qabtay uu qirtay in qaraxa gaariga ku xiray, waxa uuna sheegay in loo diray in qaraxyada ku xiro gaadiidka leh miyaaradaha madoow uu sheegay inta badan in ay wataan dadka dowlada u shaqeeya.

Qaraxa uu maanta ka dambeeyay ninkan la qabtay ayaa waxaa ku dhaawcamy hal qof oo shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana dab xoogan uu qabsaday gaariga qaraxa lagu xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -