Guddoonka Golaha shacabka oo toban cisho u qabtay Wasiir Oomaar (Sababta)

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa u yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) inuu muddo 10 cisho ah ku hor-yimaado Baarlamaanka.

10 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka dalbaday in loo yeero wasiirka ka dib Mooshin arintaas la xiriira oo ay gudbiyeen gudoonka golaha shacabka, si wax looga weydiiyo howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo xayiraadii diyaaradaha Kismaayo.

Mooshinka loogu yeeray Wasiirka ayaa waxaa ku ku lifaaqaan su’aalo dhowr ah oo la xiriira xayiraadii diyaaradaha Kismaayo iyo cida bixisay amarkii lagu hakiyay diyaaraddii qaadi laheyd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Wasiir Oomaar ayaa laga doonayaa inuu ugu dambeyn 1-da bisha Disembar hor tago baarlamanka Somalia si uu uga jawaabo su’aalaha qoraalka ku xusan iyo qaar kale oo ay weydiin doonaan xildhinaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -