(Sawiro) Shir Kambala uga socda dowlada federaalka & dowlad goboleedyada dalka

Shirka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabo gabeeyo magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirkan horumarinta Maaliyadda dalka oo shalay Kampala uga furamay Wasiirada Maaliyadda dowlad gobaleedyada, maamulka Gobalka Banaadir iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa diiradda lagu saaray mideynta sharuucda hagta dhaqaalaha dalka.

“Kampala waxaa nooga furmay shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka wada shaqeyneynaa sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha Dalkeena, Ummadda Soomaaliyeedna dhammaan uga faa’iidaysato.” ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay inay ka go’an tahay sidii Wadajir ay u gudan lahaayeen waajibaadka loo igmaday. Shirka ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo oo ay ka soo baxaan go’aano wax ku ool ah oo ku qotoma horumarinta Maaliyadda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -