Q/Midoobay oo walaac ka muujisay khilaafka DF iyo dowlad goboleedyada

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, oo golaha ammaanka siiyey warbixin ku saabsan xaalada Soomaaliya, ayaa ka hadlay  khilaafka gaamuray ee u dhexeeya dowladda federaalka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka qaarkood iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

James Swan ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aanta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hadda sanad jirsatay ay caqabad xooggan ku noqotay guulo laga gaaro dib u dhiska qarankii Somalia oo cagahiisa ku taagan.

“Waxaan dib u cusbooneysiinayaa baaqayga ku wajahan hogaamiyaasha dalka, si ay u soo nooleeyaan wadahadalkooda una fuliyaan ballanqaadyadoodii ku aadanaa xallinta khilaafka siyaasadeed, iyadoo loo marayo hab tanaasul ah iyo danaha dadka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri warbixinta

Waxa uu sheegay, in si loogu guuleysto ajanadaha Soomaaliya ee 2020 ee doorasho, ay qasab tahay inuu yimaado tanaasul siyaasadeed.

“Madaxda Soomaalida waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqaan sidii looga gudbi lahaa is-mari waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la eegayo danta qaranka,” ayuu yiri James Swan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -