Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo caawa Muqdisho ku dilay Cali Hilowle (Cali Dheere)

Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmadaas .

Cali Hilowle (Cali Dheere) ayaa lagu toogtay dalcada Isgoyska Boondheere dhinaca wadada u baxda Taaladda Daljirka Dahsoon sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Cali dheere ayaa Guddoomiye ku-xigeen u ahaa Guddoomiyihii hore ee degmada Boondheere Cabdullaahi Xirsi Istakiin.

Ciidamada amaanka ayaa goobta gaaray iyagoo halkaas ka wada howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilkaas geystay oo baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirka golaha Wasiirada Somalia oo looga hadlay qodobo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xildh. Odowaa: “Farmaajo waxay shaqadiisii ku dhamaatay inuu difaac ka galo Isgoyska Dabka”

Caydiid Ali

Qoorqoor iyo Wafdi la socda oo lagu soo dhaweeyay Godinlabe (Sawirro)

Cabdi Cade