Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo degan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Sheekh Umal ayaa lagu wadaa in beri oo jimco ah garoonka kubada cagta ee Eng Yariisow Ex-Koonis ku qabto muxaadaro diini ah, waxaana ka qeyb galka muxaadaradaasi isku diyaarinayaa qaar badan oo kamid ah shacabka Muqdisho oo wadaadka aad u jecel.

Muxaadarada uu Sheekh Umal ku qabanayo beri magaalada Muqdisho waxaa si weyn uga soo horjeestay Sheekh C/qaadir Sheekh Abuukar Soomow oo kamid ah culimada Suufida ee kunool magaalada Muqdisho.

Sheekh Soomow ayaa ku eedeeyay Sheekh Umul in uu horey u gaaleesiiyay dadka aaminsan dariiqada suufida, waxa uuna xusay in Sheekh Umal fikirka uu aaminsan yahay dad badan oo reer Muqdisho ah horey ugu dhinteem.

“Umul ma waxa uu bedelay in Suufida ay gaallo yihiin, kama laaban fikirkiisa aaminsan yahay, musiibo ka weyn ka ma jirto qof caqiidada laga galay, ninka sidaas ku dhiira geliyay fikirka Umul qabriyaal ay khawaarijta ku leysay, kuwo badan ayaa agooman ah”ayuu yiri Sheekh Soomow.

Garoonka kubada cagta ee Eng Yariisow ee Magaalada Muqdisho waxaa sidan oo kale horey muxaadarooyin ugu qabtay wadaado Soomaaliyeed oo qurbaha ka yimid, waxaana muxaadarooyinkaasi ka qeyb galay dad badan oo reer Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -