Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Xasaasi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo ka socda Villa Somalia

Waxaa xilligan kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble uu ka socdaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya .

Kulankan fool ka foolka ah in ay isugu yimaadaan labadan masuul ee khilaafka u dhaxeeyo waxaa ka shaqeeyay Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koonfur Gabeed oo labada dhinac u kala dab qaadayay saacadihii lasoo dhaafay.

Sida aan wararka ku heleyno kulanka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa lagu falanqeenayaa khilaafka u dhaxeeya iyo kiiska keenay ee ah xil ka qaadistii Fahad Yaasiin iyo sida laga yeelayo kiiska Ikraan Tahliil oo Nabad Sugida lagu tuhmayo.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana lagu soo waramayaa in uu ku adkeesanayo cadaalad u raadinta kiiska Ikraan Tahliil iyo hirgalinta magacaabistii Taliyaha cusub ee NISA iyo Wasiirka Amniga.

Lama oga waxyaabaha kasoo bixi doona doona kulankan xasaasi ah ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, waxaana dad badan isha ku hayaan natiijada kulankan kasoo bixi karta iyo cida la timaada tanaasulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/tNP208w6mXs

Related posts

Daawo:-Axmed Madoobe oo ku dhego hadlay Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya

Caydiid Ali

Maxkamad lasoo taagay Nin doonayay in uu dilo Gabar Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---