Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha xarunta Xalane ee magaaladsa Muqdisho loogu geestay Almaas Elman Cali Axmed.

Dowlada Soomaaliya ayaa ugu horey tacsi tiiraanyo leh u dirtay eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Almaas Elman, waxa ayna dowlada sheegtay in ay socdaan baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilka Almaas

Halkan ka Akhrso War Saxaafadeedka dowlada kasoo baxay 

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay si adag u Cambaaraynaysaa ficilka lagu dilay Almaas Elman oo maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Marxuumad Almaas Elman waxay ahay gabar da’yar ah oo u Ollo leysa Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana aheyd Diblumaasi Soomaaliyeed oo kasoo shaqeysay Safaaradda
Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Sidoo kalana Aabaheed oo isagana lagu xasuusto kaalintii uu ku lahaa ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda oo isaguna sidaasoo kale ugu dhintay Difaacidda Xuquuqda Aadanaha iyo Raadinta Nabada Xisilooni ka dhalata Sooomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay Marxuumad Almaas Allaah uga baryeysaa inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo, Samir iyo Iimaana kasiiyo qoyskii, qaraabadii iyo Guud ahaan umada Soomaaliyeed ee ay ka baxday.

Ugu Dambeyntii Dowladdu waxay shacabka Soomaaliyeed U xaqiijinaysaa inuu socdo
Baaritaan adag oo lagu soo qabanayo Cadaaladana lagu hor gaynayo cidii ka danbaysay dilka gabadhaas qiimaha badan laheyd.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya
Mudane:- Ismail Mukhtar Omar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -