Nin ka qeyb qaatay Weerar dad badan lagu dilay ah oo maxkamad lasoo taagay (Daawo Sawirada)

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa la horgeeyay nin la sheegay in uu kamid ahaa ragii weeraray xarun Koonfurta magaalada Gaalkacyo ku lahaa Wadaad lagu magacaabi Jiray Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Cabdullahi Cali Maxamed ayaa lagu eedeeyay in uu kamid ahaa ragii weerarka ku qaaday xarunta ku taalay Gaalkacyo, waxaana ninkan intii weerarka socday gacanta ku dhigay ciidanka dowlada oo u gurmaday xarunta la weeraray.

Maxkamada ciidamada ayaa la horgeeyay cadeemaha in ninkan kamid ahaa ragii weeraray xarunta kutaalay magaalada Gaalkacyo iyo qoraygii uu watay, waxaa sidoo kale Maxkamada la horkeenay marqaatiyaal.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Cabdullahi Cali uu yahay Shabaab galay dambiga lagu soo eedeeyay ,waxa uuna garsoorka Maxkamada ka codsaday in xukun dil ah lagu rido.

Gudoomiyaha Darajada koobaad ee Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa soo gabo gabeeyay dhageysiga dacwada ninkan loo heestay, waxa uuna Gudoomiyaha sheegay in maxkamada go’aanka xukunka ninkan gadaal kasoo gaari doonto.

Weerarka lagu qaaday xarunta Gaalkacyo ku taalay ayaa lagu dilay dad badan uu ku jiray wadaadkii xarunta lahaa oo lagu magacaabayay Cabdiweli Cali Cilmi Yare oo caan ka ahaa Koonfurta Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -