Villa Somalia iyo Madasha Xisbiyada Qaran oo shaaciyay Ajandaha Kulanka goordhaw dhacaya

Waxaa goordhaw la filayaa in xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu ka furmo kulan muhiim ah ay yeelanayaan Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaranka uu hogaamiyo Sheekh Shariif.

Kulanka kahor ayaa xubno labada dhinac kala matalaya waxa ay isku raaceen ajandaha iyo qodobada ugu muhiimsan ee kulanka looga hadlayo, waxaana hada socda qaban qaabadii ugu dambeesay ee kulanka Farmaajo iyo Madaxdii hore.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaaciyay in ajandaha ugu muhiimsan ee kulanka goordhaw ka furmaya Madaxtooyada uu noqon doono arimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya.

”Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah.” ayuu uiri Agaasime Cabdinor.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa isna sheegay in Ajandaha kulanka uu ka balaaran yahay inta Madatooyada sheegtay, waxa uuna xusay in qodobada kulanka looga hadlayo ku jiraan arimaha doorashooyinka, khilaafka dowlada iyo maamul goboleedyada iyo helista xaquuqda Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa sidoo kale la filayaa in Madaxda uga hadlaan xiisadihii siyaasadeed ee ugu dambeeyay gaar ahaan xanibaadii lagu sameeyay Socdaalkii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ku aadeen magaalada Baladweyne.

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -