Kenya oo amaro adag ku soo rogtay dadka aan qaadanin talaalka COVID-19

Kenya oo shacabkeeda ku soo rogtay amaro culus oo la xiriira qaadashada tallaalka cudurka COVID19 ka dib markii dadka qaarkood ay ka caga jiideen iney qaataan

Dowladu waxay shaacisay in laga bilaabo dhamaadka bisha soo socota ay dalkeeda ku soo rogi doonto sharci ah in dadku aysan heli doonin adeegyada ay uga baahan yihiin xafiisyadda dowladda, Makhaayadaha iyo baabarka wadankaasi ilaa ay keenaan shahaadada muujinaysa in qofku uu qaatay tallaalka cudurka COVID19.

Dadka wadankaasi ka baxaya iyo kuwa soo galaya ayaa sidoo kale la waydiin doonaan shahaahada tallaalka.

Sidoo kale Dhakhaatiirta Soomaalida ee Kenya ayaa Soomaalida dalkaasi ugu baaqay inay qaataan tallaalka cudurka COVID-19 si ay caafimadkooda iyo midka dadka kale ay u badbaadiyaan..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -