Walaac laga muujiyay Heshiiskii ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Waxaa dhawaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya heshiis ku gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna labada dhinac ku heshiiyeen arimo ay kamid ahaayeen soo celinta xiriirka labada dal.

Heshiiska ay gaareen Madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaana siyaabo kala duwan looga hadlay, dad badan ayaa soo dhaweeyay heshiiskan halka kuwa kalana ay shaki ka muujiyeen qodabada lagu heshiiyay ay sheegeen in qaarkood la qariyay.

Xildhibaan Sakariya Maxamuud Xaaji Cabdi oo katirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in walaac ka qabaan heshiiska Nairobi lagu gaaray, waxa uu xusay in dowlada aysan si rasmi ah usoo bandhigin qodobada heshiiska ee labada dal gaareen.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Zakiraya in dalka lawada leeyahay loogana baahan yahay dowlada iyo cadeyso kulankii dhax maray labada Madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya iyo qodobada ay ku heshiiyeen.

“Waxaan maqleynay in kulanka looga hadlay xiriirka labada dal iyo in fisaha loo fasaxay,waxaas waa wixii horay looga hadli jiray marar badana noola sheegay , fiisaha kama rabno ee dowladda dadka ha u cadeyso wixii rasmi ah oo ay ka wada hadleen labada Madaxweyne ayuu yiri ”Xildhibaan Zakariya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada Kenya ay dhibaato badan ku heyso shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku eedeeyay madaxda dowlada in aysan ka hadlin dhibaatada Kenya dalka ku heyso gaar ahana bur burinta shirkadaha is gaarsiinta.

”Kenya Kharbudaad dhaqaale iyo leyn dad shacab ah ayey ku heysaa dadka kunool gobolada Jubooyinka iyo Gedo, heshiiskan labo qodob ayaa kasoo baxay in fiisaha la fududeeyo iyo in aan Wajeer la marin, war anagu fiisahooda maxaan ka faleynaa dalkeena ayaamba joognaa, waxaa kale la yiri wajeer ku degi meysaan intaas ayaa nac nac noolaga dhigay , marka waxa ay noola mid tahay inta xabad nac nac ku siiyo reerkaaga dilo ku dhaco dalkaaga qabsado kabacdina inta xabad nac nac ah ku siiyo aad dhahdo walaahi waa nin fiican haxad nac nac ah buu isiiyay” ayuu yiri Xildhibaan Zakariya.

Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaan loo soo bandhigin heshiisyada xasaasiga ah ay galaan madaxda dowlada, waxaana heshiisyadaasi lagu soo koobaa kaliya in lagu heshiiyay xoojinta xiriirka labada dal iyo arimo kale oon badneyn.

 

 

- Advertisement -