Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaacisay in la fashiliyay Weerar Al Shabaab saakay kusoo qaadeen Masagawaay

Dagaal culus ayaa saakay ka dhacay deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud, kaddib markii halkaasi weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaadeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka dhabarka ka jabiyeen kooxdii soo weerartay deegaanka Masagawaay.

”Waa mahadsanyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee saaka dhabarka ka jabiyay Khawaarijta aagga Masagawaa, faahfaahin idin farxad galisa ayaa soo socota insha allaah, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiirka.

Al Shabaab ayaa horey sidaan oo kale weerar culus ugu qaaday deegaanka Masagawaay bil kahor xilli munaasabadda ciida lagu jiray, waxa ayna halkaasi ku dileen odayaal dhaqmeed iyo ciidamo katirsanaa dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diblomaasiyiin Mareykan ah oo lagu weerarey magaalada Khartuum

Cabdi Cade

Shaki laga muujiyay weerarkii lagu qaaday Xalane & Jabuuti oo war kasoo saartay Qilaafka Farmaajo ..…!!

admin

Ruushka oo diiday qaraar lagu dalbanayey joojinta dagaalka Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---