Allbanaadir.com
NEWS

Antonio Guterres oo ka hadlay xiisada ka taagan Muqdisho baaqna u diray Siyaasiyiinta

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa ka walaacsan xaalada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho gaar ahaan dagaaladii dhawaan magaalada ku dhax maray ciidamada dowlada iyo kuwa Mucaaradka.

War-murtiyeed ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha Guud Stephane Dujarric , ayaa lagu sheegay in Antonio Guterres, uu ka walaacsan yahay isku dhacyadii ka dhacay Muqdisho, isagoona ugu baaqay dhinacyuada is haya in wadahadal ku xaliyaan khilaafkooda.

“Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.” ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa mar kale ugu baaqay saamileyda siyaasada Soomaaliya in ay dib ugu laabtaan wada xaajoodka isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember.

Baaqan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho ka socdaan abaabul dagaal lagana cabsi qabo in magaalada mar kale ku dagaalamaan ciidamada dowlada iyo kuwa mucaaradka ee kasoo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/qXBY9QXBii8

Related posts

Dacwad ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya oo loo gudbiyay Maxkamada sare ee dalka

Cabdi Cade

Gudiga doorashada federaalka oo hakiyey doorashadda kursi yaalla Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali

UAE & Itoobiya oo galay heshiis ku kacaya ku dhowaad Bilyan Dollar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---