Xildhibaan cusub oo Baydhabo lagu doortay iyo Musharaxii la tartami lahaa oo..

Guddiga madaxa banaan ee doorashoyinka qaranka ayaa ku dhawaaqay in xildhibaan Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) uu ku guuleytay kursiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee uu baneeyay agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen.

Kursigan oo degaan doorashadiisa ahayd magaalada Baydbaba ayaa waxaa u tartamay oo kaliya xildhibaanka la doortay, kadib markii goobta laga waayey musharixii la tartami lahaa Siid Cali Cismaan Xuseen oo Guddiga Doorashada ay sheegeen inuu ka maqan yahay dalka, soona xaadiri waayey.

Xildhibaanka maanta la doortay ee Cali Afgooye ayaa helay 51 cod oo ah dhamaan codadkii ergada dhiibteen, waxaana goor dhow la guda galayaa doorashada kursigii uu ka geeriyooday xildhibaan Colenel Ruush oo ay ku tartamayaan labo musharax oo kala ah, Nuur Siidow Baba Xasan  iyo Fiqi C/llaahi Mayow.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -