Gudoomiye Cirro oo ilaaladiisii laga watay iyo xarumo uu lahaa Xisbiga Wadani oo lala wareegay

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) laga watay qaar badan oo kamid ah ciidamadii ilaalinayay.

Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga Waddani Cabdilaahi Geel Jire ayaa sheegay in amar kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ciidamadii ilaalada u ahaa Gudoomiyaha Wadani looga kaxeestay.

Waxa uu sidoo kale sheegay Geel Jire in la baajiyay banaan baxyo ay dhigi lahaayeen taageerayaasha Xisbiga Wadani kadib wadahadalo dhacay, waxa uuna maamulka Muuse Biixi ku eedeeyay caburin.

Dhinaca kale Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegay xarumihii xisbiga Mucaaradka ee Wadani ku lahaayeen magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo.

Waxaa saakay la arkay ciidamo badan oo booliis ah oo la wareegay  xarumaha xisbiga Wadani kulahaayeen Berbera iyo Ceerigaabo, booliiska ayaana diidaya in halkaasi isu yimaadaan taageerayaasha xisbiga Wadani.

Booliiska Somaliland ayaa wada talaabooyin uu uga hortagayo in banaan baxyo dhigayaan taageerayaasha xisbiga Wadani, waxa ayna booliiska isku hareeyeen xarumaha waa weyn ee Xisbiga Wadani ku leeyahay magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Taliyaha booliiska maamulka Somaliland ayaa bixiyay amarka ciidamada kula wareegeen xarumaha xisbiga Wadani ee magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo, waxa uuna taliyaha booliiska amray in ay kahor tagaan in banaan baxyo la dhigo.

Booliiska Somaliland ayaa shalay hareereeyeen xarunta Xisbiga Wadani ee magaalada Hargeysa halkaas oo ay isugu soo baxeen taageerayaasha Xisbiga Wadani kadib markii gudoomiyaha xisbigaasi ku baaqay banaan baxyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -