Marwada Koowaad ee Dalka oo olole loo baahan yahay kawada Mareykanka

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin oo Olole loogu gurmanayo dadka ay saameysay fatahaaddu ka wadda Gobollada Mareykanka ayaa magaalada Magaalada Seattle ee waddanka Maraykanka kaga qeyb gashay kulan loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda Gobollada Hiiraan, Baay iyo Gedo.

Marwada dalka oo hadal ka jeedisay kulanka ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Seattle uga warbixisay meesha ay marayaan dadaalada gurmadka ah ee ka socda gudaha wadanka ay wadaan hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Soomaalidu waa dad dun fiican, deeqsina ah, diinteenna suubban ayaana noo tilmaameysa in xaqqa iyo samafalka loo tartamo iyo in dan-yarta loo naxariisto. Midnimo aan muujinno markii culeys nagu dhaco, waxaan rajeynayaa in aan uruurinno dhaqaale wax tari kara dadka fatahaaddu saameysay”.

Maamo Seynab ayaa xoojisay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed isu gurmadaan oo aysan gacmo kale waxba ka sugin, waxa ayna ammaantay sida dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba ugu taagan yihiin in ay is caawiyaan.

“qof walba oo caawa halkaan jooga dan gaar ah uma imaan, waxaa loo yimid dan guud, marka laga shaqeeyo danta guud waxaa ka dhasha danta gaarka ah, marka waxaan idinka codsanayaa in aad wadatashi yeelataan, oo aad ka wadatashataan danta guud si danta gaar ah aan u gaarno, maxaa yeelay wadatashiga ayaa keena iskutashi”

Marwada Koowaad ee dalka ayaa horey kulan kan la mid ah uga qeyb gasahy Gobolka Columbus ee dalka Mareykanka waxa uuna qorshuhu yahay in ay Marwadu gaarto magaalooyinka kale ee Soomaalidu ka dagan tahay Mareynka si ay u gaarsiiso in ay ka qeyb qaataan gurmadka qaran.

- Advertisement -