Isbitaal Muqdisho ku yaalla oo fal arxan daro ah kula kacay haweeney foolaneysay (Daawo Video)

Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Khadro Maxamuud ayaa la sheegay inay ku hor foolatay saaka waaberigii Isbitaalka WARDI oo ku yaalla xaafadda Unicef Degmada Hamar-Jajab ka dib markii dhaqaatiirta isbitaalka ay diideen iney umuliyaan.

Dhacdadaas oo hadal-haynteeda maanta ay qabsatay Baraha Bulshada ayaa waxaa si weyn uga argagaxay shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo isbitaalka falkan ku kacay uu yahay mid loogu talo galay inuu si bilaash ah u caawiyo hooyada iyo dhalaanka.

Khadro Max’uud oo ah haweeneyda la kulantay tacadigan xanuunka badan ayaa saaka ku umushay banaanka hore ee Isbitaalka loo diiday in ay ku dhasho sida dadka degaanku ay sheegeen.

Mar saxaafada ay wareysatay ayaa Khadro Waxay sheegtay iney saaka waaberigii xiligii Salaada subax ay tagtay isbitaalka iyadoo foolaneysa ayna weydiisatay dhaqaatiirta iney caawiyaan.

“Gabadha umulisada ah ayaa i weydiisay iney dad ehelo ila socdaan iyo in kale, waxaan u sheegay ineysan ila socon ka dib waxay amar igu siisay inaan ka baxo isbitaalka, markii aan banaanka u soo baxayna ilmaha ayaaba iga soo jeeday dadka degaanka ayaa ii soo gurmaday oo iga umuliyey haatana aniga iyo ilmaheygaba waan caafimaad qabnaa” ayey tiri Khadra.

Dhinaca kale, Agaasime ku-xigeenka ah Isbitaalka WARDI ayaa difaacay talaabada isbitaalka looga saaray gabadhan foolaneysay, isagoo xusay in wax ehelo aysan la socon hadii nafteeda ay wax gaari lahaayeena iyaga loo qabsan lahaa.

“Waqti dambe Xaley ah ayaa Gabadhaasi Isbitaalka timid, sida uu sharcigu qabana waxaa laga buuxiyey foomka warbixinteeda si loo hubiyo Caafimaadkeeda waxaa kale oo aan weydiinay inay la socdaan wax ehel u ah, waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax la socda, Waxaa ka dalbanay inay ehelkeeda  wacato, balse way ka meermeertay, Aakhirkiina banaanka ayay u baxday iyadoo weli Dhaqaatiirta ku Howlan yihiin Xaaladeeda, halkaas ayayna ku qabatay foosha, waxaana u soo gurmaday isla Dhaqaatiirtii isbitaalka oo caawiyey” ayuu yiri agaasime ku xigeenka WARDI.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA GABADHA UMUSHAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -