(Sawirro) Faransiiska oo dib u celiyey Seef taariikhi ah oo uu lahaa hogaamiye caan ah

Faransiiska ayaa dib u celiyay seef uu iska lahaa hogaamiye hore muslim ah qarnigii 19-aad kaas oo ka talin jiray galbeedka Afrika.

Waxay arrintani kamid tahay dadaalka dib loogu celinayo dalalka galbeedka Afrika waxyaabihii taarikhiga ah ee la boobay.

Seefta waxaa iska lahaa hogaamiyihii muslimka ahaa ee ka talin jiray galbeedka Afrika Cumar Saidou Tall oo horkacayay dagaalkii ka dhanka ahaa guumeystihii Faransiiska.

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe ayaa seefta ku wareejiyay madaxweynaha Senegal Macky Sall munaasabad lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Dakar.

“Waa maalin taarikhii ah” ayuu yiri madaxweyne Maky Sall, Waxaa sidoo kale munaasabadda ku sugnaa qoys ku abtirsado Cumar Saidou.

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska waxaa uu sheegay in mashruucan uu ka qeyb qaadanayo in Senegal dib loogu soo celiyo waxyaabihii taarikhiiga ah ee la dhacay xilliggii guumeysiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -