Dowlada Talyaaniga oo la noqotay dhaqaale ay Somalia ugu deeqday (Akhri Sababta)

Talyaaniga ayaa dib ula noqdey dhaqaale 6 Milyan oo dollar ah oo loogu talagaley in lagu dhiso biyo xireen laga hirgaliyo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan sida uu qoray wargeyska La Republica

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtey in markii muddo sannad ah ay ka war sugaysay in loo soo gudbiyo mashruuca nooca uu noqonayo, kana war sugaysay dowladda Soomaaliya ay dib ula laabatey lacagtaasi.

Biyo Xireenka oo la hirgaliyo ayaa ka hortagi kari lahaa fataahado iyo masiibo ka dhacdo gobolkasi inkastoo la sheegay in dhismihiisu qaadan lahaa laba sano.

Wasiirka Beeraha ee Somalia ayaa beeniyey in dhaqaalahaas ay la noqotay dowlada Talyaaniga, isagoo xusay in markii horeba uusan jirin heshiis la kala saxiixday balse uu ahaa isfaham, wuxuuna xusay in mashruucan la fulin doono.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in khubaradii loo xilsaarayb diyaarinta mashruucan ay dhameystireen, lana bilaabi doono dhowaan fulintiisa, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in lala noqday dhaqaalihii loogu talo galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -