Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Taliyihii Nabad-sugida Puntland ee gobolka Mudug ee goor dhow toogasho lagu dilay

Taliyihii Nabad-sugida gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa caawa maqribnimadii lagu dilay woqoayiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka.

Dilka Col. Aadan Xaashi Cilmi (Farey) ayaa ka dhacay Xaafad lagu Magacaabo Suuq Barwaaqo oo uu ku sugnaa, waxaana weerar ku soo qaaday dabley bastoolado ku hubeysan oo rasaas ku furtay.

Col. Aadan Xaashi Cilmi (Farey) ayaa markiiba goobta ku naf waayey sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, waxaana meydkiisa qaaday ciidamada amaanka Puntland oo wax yar ka dib gaaray halka falku ka dhacay.

Dableyda weerarkan fulisay ayey u suuragashay iney baxsadaan, waxaana masuuliyada dilkan loo geystay Col. Aadan Xaashi Cilmi (Farey) sheegatay kooxda Al-shabaab.

Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo iyo Hay’adaha Amniga Ayaan ka hadlin weli dilka loo geystay taliyihii nabadsugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee Maamulkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada : Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho oo xaalkooda lala tacaalayo iyo Cumar Filish oo booqday

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay shixnad 3,000 oo tan oo gargaar ah

Cabdi Cade

Dil ka dhacay deegaanka Ceelbaraf iyo xiisad maanta halkaasi ka jirta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---