Xuska 10-sano Guurada Dib-u-nooleynta Xiriirka Somalia iyo Turkiga oo la qabtay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeybgalay xuska 10-sano Guurada Dib-u-nooleynta Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Saaxibtinimo Waarta ee Soomaaliya iyo Turkiya, taasi oo ku beegan 18-08-2011 Markii uu dalka Soomaaliya Yimid Raā€™iisul Wasaarihii Dalka Turkiya hadana ah Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.
Ā 
Munaasabadaan oo ay kasoo qeybgaleen Madax kala gedisan oo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu sareeyay Kusimaha Raā€™iisul Wasaaraha Ahna Raā€™iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka, Danjireyaal, Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, Masā€™uuliyiin ka socday Dowladda Turkiya iyo Marti Sharaf kale ayaa aheyd mid loogu Mahadcelinayay Dowladda walaalaha aynu nahay ee Turkiya, isla markaana lagu xasuusanayay waqtigii adkeyd oo uu Madaxweyne Erdogan yimid dalka Soomaaliya.
Ā 
ā€œTurkiya waxa ayna dareensiiyeen dareen dhab ah oo walaaltinimo oo aan marnaba la ilaawi karin, waxa ay aduunka tuseen in Soomaaliya la gar-gaari karo, lana maalgeshan karo, mana jirto Matal lala meel dhigi karo Dowladda Turkiyaā€ Ayuu yiri Mudane Cumar Filish.
Ā 
Duqa Muqdisho ayaa kaga Mahadceliyay Dowladda Turkiya gacanta ay ka geysteen dib-u-dhiska Caasimada Muqdisho, Wax ka qabashada Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga, Maalgeshiga iyo Shaqo Abuurka, Asigoona xusay in quluubta Soomaaliya aysan ilaawi doonin Wax-qabadkaasi Muuqda oo ay Dowladda Turkiya ka hirgeliyeen Caasimada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -