Xildhibaan Iman Cabdulaahi Ali oo isku soo sharaxay Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Dr Iman Cabdulaahi Ali Wasiirkii hore wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya ayaa isku soo sharaxay qabashada Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Musharax Dr Iimaan Cabdulaahi Ali ayaa kamid ah Xildhibaanada saameynta leh ee ku jira Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaankan uu kamid yahay Xildhibaanada sida weyn loogu saadaalinayo in ay noqdaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Imaan Cabdulaahi ayaa Shaqooyin iyo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay Shirkado, Hay’ado iyo bangiyo caalami ah.

Halkan ka AKhriso Waayo aragnimada Shaqo ee Musharax Gudoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Iimaan

Xildhibaan Dr Iimaan Cabdulaahi Ali sanadkii 1976-1989 waxaan u shaqeeyey Bangiga Homarinta Soomaaliyeed, waxa uuna kasoo qabtay hawlo kala duwan sida: •
1. Agaasimaha maamulka lacagta ,Maamulaha laanta Hargeysa ee Bangiga Hormarinta Soomaaliyeed.
2. Agaasimaha waaxda dib u dejinta Bangiga Hormarinta Soomaaliyeed

Aqoonyahan Dr Iimaan Cabdulaahi Ali sanadkii 2016-2017 waxa uu kamid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee lagu doortay Baydhabo, waxa uu sidoo kale Wasiirka Arimaha Diinta iyo Awqaafta kasoo noqday Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -