War Deg Deg Ah: Ciidamo cusub oo saakay la wareegay Xarunta gobolka Banaadir

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeesan oo katirsan Nabad sugida iyo booliiska saakay la wareegeen xarunta Dowlada hoose ee Xamar.

Ciidamadan ayaa xiray wadooyinka soo gala xarunta Dowlada Hoose ee kutaala degmada Xamar Weyne, waxaana ciidankan lagu bedelay ciidamo kale oo booliis ah oo horey uga amar qaadanyay Gudoomiyaha gobolka.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka hortagayaan in xarunta Dowlada hoose laga abaabulo banaan bax rabshadeed oo dowlada lidi ku ah sidoo kale ka dhacaan kulamo siyaasadeed.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabi iyo kuxigeenadiisa ayaan ku sugneyn xarunta dowalada Hoose, lamana oga in xarunta saakay loo ogolaan doono in ay ku shaqeeyaan maamulka gobolka iyo shaqaalaha kale.

Shacab iyo xubno katirsan maamulada Degmooyinka gobolka Banaadir oo xalay kulan ku yeeshay ay Gudoomiye ugu doorteen Taabit Cbadi Maxamed in uu labo sano Gudooniye sii ahaado.

- Advertisement -