Aroos Wadareed loo dhigay Lamaanayaal kasoo kala jeeda Beesha Gabooye iyo Beelo kale (Sawirro iyo Muuqaal)

Waxaa dhawaan magaalada Jigjiga ee caasimada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu qabtay aroos wadareed si heer sare ah loo soo agaasimay oo la isugu guurinayay Wiil iyo gabdho kasoo kala jeeda beelaha la takooro iyo beelaha wax takoora.

Munaasabadan oo la isugu guuriyay 29-Lamaane oo kasoo kala Jeeda Beelaha Gabooyo iyo beelaha kale ee Dega Jigjiga ayaa looga gon lahaa sidii loo tir tiri lahaa isir naceybka lagu sameeyo beesha Gabooyo loona guursan lahaa gabdhahooda iyaguna u guursan karaan gabdhaha kale.

Lamaanayaashan la isku guuriyay ayaa la sheegay in si iskood ah isku soo xusheen, waxaana munaasabada guurkooda iyo guryaha ay dageen siisay si weyna u taageertay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar oo ka hadlay munaasabada arooska ayaa sheegay in looga gon leeyahay in la baabi’iyo dhaqankii soo jireenka ahaa, waxa uuna sheegay in aysan jirin beel la yaso iyo kuwa wax yasa.

Waxa uu ugu baaqay Cabdi Maxamed Soomaalida kale in iyana meesha ka saaraan caadadan xun ee beelaha qaar lagu heyb sooco , waxa uuna tilmaamay in tilaabadan ay tahay mid lagu tir tirayo kala sareynta beelaha Soomaaliyeed.

Lamaanayaashan loo dhigay aroos wadareedka ayaa mid kastaa la siiyay guri ay kunoolaadaan, waxaana xaflada aroos wadareedka oo aheyd mid sii heer sare loo soo abaabulay ka qeyb galay madax iyo dad weyne kala duwan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -