Allbanaadir.com
NEWS

Jalmad qadiimi ah oo lagu iibsaday Lacag gaareysa Hal milyan oo dollar !!

Warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada ayaa si weyn loogu hadal hayaa Jalmad dhif iyo naadir ah oo laga helay dalka Shiinaha taas  oo lagu kala iibsaday lacag gaareysa Hal milyan oo pound.

Jalmadan ayaa lasoo dhigay goob xaraash waxaana markii ugu horeesay lagu naadiyay lacag gaareysa kun Pond , balse daqiiqado gudahood ayaa marbo marka ka dambeysa saro u kaceysay qiimaha naadada ee jalmadaasi.

Warbaahinta BBC-da ayaa sheegtay in 10-daqiiqo kadib markii Jalmadaasi suuqa lagu naadiyay lagu iibsaday lacag gaareysa Hal Milyan oo Pound, waxaana dad badan layaab iyo lama filaan ku noqotay lacagtaasi tirada badan ee jalmada lagu kala iibsaday.

Jalmada lagu iibsaday lacagta waalida ah ayaa la sheegay in ay leedahay astaamo muujinaya in uu leeyahay boqorkii Shiinaha xukumi jirey intii u dhaxaysay 1736-dii llaa 1795-tii, magaciisu ahaa Qianlong.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada weriyeyaasha lagu dilay dagaalka Israel & Xamaas oo la shaaciyey

Caydiid Ali

(Akhriso) Tirada ciidanka, gaadiidka iyo hubka NISA ku wareejisay Booliska oo la helay

Caydiid Ali

Wasaarada amniga DF oo amar cusub ku soo rogtay Garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---