(Akhriso) Tirada ciidanka, gaadiidka iyo hubka NISA ku wareejisay Booliska oo la helay

Qoraal ka soo baxay 2dii bhishan xafiiska Ku-simaha Taliyaha hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed, ahna taliye ku xigeenka hay’adaasi Fahad Yaasiin ayaa lagu sheegay in  ciidan, hub iyo  Gaadiid uu ku wareejiyay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed.

Tirada ciidanka Nabad sugida ee lagu wareejiyay Taliyaha Booliska ayaa waxay gaarayaan 1,728 askar oo isugu jira ciidan lebisan oo hubeysan iyo kuwa Dharcad ah.

Sidoo kale Fahad Yaasiin ayaa waxaa uu wareejiyay  gaadiid tiradooda dhan tahay 25 gaadiid sida ku xusan qoraalka hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -