Madaxweyne Caan ah oo sheegay in Haweeney si xeeladeesan xilkiisa u afgembisay

Madaweynihii dalka Bolivia Evo Morales, ayaa xilka iska casilay si deg deg ahna ugu dhoofay dalka Mexcio halkaas oo laga siiyay magan galyo siyaasadeed, kadib markii lagu qasbay in uu xilka ka dego.

Haweeney lagu magacaabo Jeanine Áñez ,oo katirsan Aqalka Sare ee dalka Bolivia ayaa durba sheegatay in Madaxweyne KMG ah ay dalka ka tahay, waxaana sheegashadeeda taageeray Maxkamada dastuuriga ee dalka Bolivia.

Jeanine Áñez ayaa aheyd Gudoomiye ku xigeenka aqalka sare ee Bolivia, haweeneyan ayaana noqotay Gudoomiyaha KMG ee aqalka sare kadib markii uu is casilay Gudoomiyihii aqalkaasi, waxa ayna hada haweeneydan sii noqotay Madaxweyne KMG ah.

Madaxweynihii Bolivia oo xilka iska casilay isaga oo ka xun ayaa sheegay in haweeney si xeeladeysan xilkiisa u afgembisay, waxa uuna cambaareeyay is caleemo saarka  Jeanine Áñez uu sheegay in ay si sharci daro ah u afgembisay.

Haweeneydan sheegtay in Madaxweyne ka tahay Bolivia ayaa katirsan xisbiga mucaaradka ah, waxaana wali shaki la galinayaa sharci ahaanshaha in dalka Madaxweyne ka tahay maadaama aysan Xildhibaanada aqalka sare aysan meel marin.

Xildhibaanada Xisbiga Madaxweynaha is casilay ayaa diiday in ay kulanka Baarlamaanka ka qeyb galaan, waxaana taasi keeneysaa in uusan kooramka buuxsamin ayna fadhi ay Xildhibaanada ku ansxiyaan Madaxweynaha KMG ah ay yeeshaan.

Madaxweyne Evo Morales ayaa ku qasbanaaday in xilka iska casilo kadib banaan baxyo looga soo horjeeday oo Bolivia gil gilay, waxaana Madaxweynaha ka hiiliyay Milatariga dalkaasi oo ugu baaqay in uu si nabdoon isku casilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -