Diyaaradii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh u qaaday Baladweyne oo la sheegay in la doonayay in shidaalka ka dhamaado si ay…

Xisbiga Himilo Qaran oo qeyb ka ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegty in nolosha Madaxweyayaashii hore ee Soomaaliya halis badan la galiyay lana doonayay in diyaaradii Baladweyne u qaaday uu ka dhamaado shidaalka si diyaarada loo waayo.

Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi oo la hadlay Telefishinka universal ayaa sheegay in wafdigii Baladweyne aaday loola dhaqmay si aan wanaagsaneyn laguna sameeyay xayiraad iyo xadgudub .

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Himilo Qaran Sabbata loogu xayiray markii hore garoonka Aadan Cadde ay aheyd in Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre doonayay in uu safar ku tago magaalada Baladweyne .

Xildhibaan Suleymaan ayaa ku eedeeyay xukuumada Soomaaliya in masuul ka aheyd xayiraada sidoo kale ka shaqeeyeen in diyaaradii Madaxda la socotay hawada loogu xayiri lahaa si uu shidaalka uga dhamaado kadibna loo waayo.

”Waxa ugu yar oo meeshaas laga damacsanaa waxay aheyd in diyaaradda shidaalka goosato, intaas oo dad Soomaaliyeed oo madax isugu jirta oo diyaaradda saarnaa meeshaas lagu waayo, waa arrin na taababatay oo qar iska tuurnimo nalagu sameeyay ayay aheyd, diyaaradda waa ogtahay 45 daqiiqo ayay u socotaa Beledweyne, anaga labo saac ku dhow ayaa hawada ku jirnay, shidaalka ayay goosan kartay, waa ku tala gal aan u tiirineyno inay ka dambeysay laanta Fulinta ayay aheyd”ayuu yiri Gudoomiyaha Himilo Qaran .

Dowlada Soomaaliya ayaan wali jawaab rasmi ah ka bixin eedeynta uga timid siyaasiyiinta Mucaaradka gaar ahaan madasha Xisbiyada Qaran kuwaa oo ku eedeeyay dowlada in ay saacado xayirtay safarkoodii Baladweyne halisna la galisay noloshooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -