Askar ku dhimatay Rasaas xalay loo ridayay Dabaal dega xuska 26-ka Juun

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in xalay labo askari oo ka kala tirsanaa ciidamada milatariga iyo kuwa Haramcad ku geeriyoodeen rasaas dabaal deg ahaan loo ridayay.

Askartan geeriyootay ayaa ku sugnaa xarun ay ka socotay munaasabada xuska  sanadguurada 61aad ee ka soo wareegatay xornimadii gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya, waxaana munaasabada ku sugnaa maamulka Sh.Dhaxe iyo masuuliyiin kale.

Sida aan wararka ku helnay rasaasta ayaa la riday markii calanka la saaray saqdii dhaxe ee xalay, waxaana xiliga rasaasta socotay la sheegay in ciidamada goobta ku sugnaa qaarkood rasaas hoos u rideen taas oo keentay geerida labo askari.

Warar kale oo soo baxayay ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga iyo kuwa Haramcad iyagu rasaasta isku fureen , lamana oga sababta keentay in goobtaasi ay joogeen masuuliyiin iyo dad shacab ah ciidamada rasaas isku furaan.

Rasaas xoogan ayaa xalay laga maqlay magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka kuyaala ay ka socdeen munaasabado loogu dabaal degayay 26-ka Juun sanadguurada 61aad ee ka soo wareegatay xornimadii gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -