Caro ka dhalatay Hadal uu jeediyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Baraha bulshada ayaa aad loogu hadal hayaa muuqaal laga soo duubay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan Aadan oo sheegaya in dadka aysan lixaadkooda dhameyn aan looga baahneyn ciidanka Asluubta.

Taliyaha oo ka hadlayay munaasabad uu ciidamada Asluubta kula hadlayay ayaa sheegay in ay u baahan yihiin dhalinyaro fir fircoon oo kamid noqota ciidanka asluubta, waxa uuna xusay in ay u baahan yihiin dhalinyaro da’dooda u dhaxeyso 18-jir illaa 25 jir.

Waxa uu sheegay taliyaha in aysan u baahneyn dhalinyaro aysan lixaadkooda dhameyn gaar ahaan kuwa isha la’ ama lug iyo gacanta la’, waxa uuna tilmaamay in ay u baahan yihiin dhalinyaro nadiif ah.

“Dhalinyaro nadiif ayaa rabnaa oo 18 jir illaa 25 ah, nimanka da’da ah oo farsamada lagu soo qoray xoogaa farsamadooda ayay ku fakanayaan waa u dulqaadaneynaa, laakiin kuwo il la’ kuwa, lugo la’ iyo kuwa gacmaha la’ waa dhaqaajinayaan halkaan lagama rabo”ayuu yiri taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha ciidanka Asluubta ayaana hadal heyn badan iyo caro ka dhax abuuray baraha bulshada, waxa ayna dadka qaar taliyaha ku sifeeyeen mid cunsuriyad iyo jees jees ay ka muuqato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -