Shacabka Muqdisho oo hadal haya Hanjabaadii adkeyd ee kasoo yeertay Sheekh Shariif

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay ka dhawaajiyay hadal dareen badan ku abuuray shacabka magaalada Muqdisho filan waana ku noqday qaar badan oo shacabka kamid ah.

Sheekh Shariif oo aad uga carooday xanibaad shalay kala kulmay safarkii ay isaga iyo Xasan Sheekh ku tageen magaalada Baladweyne ayaa ka dhawaajiyay in dulqaadka kasii dhamaanayo ayna la dagaalmayaan dowlada hadii aysan isbadal la imaan.

“Magaaladan Mooryaan ayaa xoog ku heystay waa la bixiyay, Itoobiyaan ayaa heystay waa la bixiyay, Shabaab ayaa heystay waa la bixiyay, maka xoog badan yihiin dadkaan, wallaahi haddii aysan joojin waa bixinaynaa”.ayuu yiri shiikh shariif.

Shacabka Muqdisho ayaana saakay aad u hadal haya hanjabaadan Sheekh Shariif kasoo yeeray, waxa ayna dadka qaarkood wax laga xumaado ku tilmaameen hadalka kasoo yeeray Madaxweyne hore dalka usoo maray dadkuna aad u jeclaayeen.

Dadka qaarkood ayaa hadalka Sheekh Shariif ku tilmaamay in ay ka keentay carada ka dhalatay hab dhaqanka dowlada, waxa ayna Sheekh kula taliyeen in dulqaad muujiyo kana shaqeeyo xasilooni intii uu colaad xiligan horseed u noqon lahaa.

Hoteelada goobaha lagu shaaho iyo sidoo kale goobaha ay dadku badi isugu yimaadaan ayaa hadal heynta ugu badan saakay waxa ay tahay hanjabaada Sheekh Shariif kasoo yeertay ee ah in dowlada magaalada Muqdisho ka saari karaan.

Dadka aad u taageersan kooxda Nabad iyo Nolol ayaa hadalka Sheekh Shariif ku tilmaamaya Qaran dumis, halka dadka kale ee hab dhaqanka dowlada mucaaradsan iyana ku doodayaan in dowlada iyadu tahay mid abuureysa xasarada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -